Rwanda iyo Congo oo heshiis ku gaaray Mareykanka

Rwanda iyo Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo ayaa caasimada Maraykanka ee Washington ku wada saxiixday heshiis lagu soo afjarayo colaada daran ee tobannaanka sano soo jiitamayay ee u dhaxaysay labada dal ee deriska ah, lagana yaabo in Maraykanka laga siiyo macdan faa’iido badan.

Heshiiska ayaa dhigaya qodobo ay kamid yihiin kala saarid, hubka dhigis iyo shuruudo ku xiran isdhexgal lagu sameeyo kooxaha hubaysan ee ka dagaalama Bariga dalka DR Congo.

Faahfaahinada dheeraadka ah ayaa kooban, waxaana horay u guul daraystay heshiisyadii nabadeed ee hore ee gobolka oo noqday kuwa fashilmay – haddana taasi kama aysan niyad jabin madaxweynayaasha Mareykanka iyo Kongo inay tani u noqoto guul taariikhi ah.

“Maanta, rabshadaha iyo burburku waa dhamaad, gobolka oo dhanna wuxuu billaabay bog cusub oo rajo iyo fursad ah,” ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka Donald Trump

Heshiiska waxaa labada dal u kala saxiixay Wasiirada Arrimaha Dibadda Congo iyo Rwanda, iyada oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

“Waa guul kale oo diblamaasiyadeed oo uu gaaray madaxweyne Félix Tshisekedi – hubaal waa tii ugu muhiimsanayd in ka badan 30 sano,” .

Waxaa jiray hadal heyn kale oo ku aadan Tshisekedi iyo madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ay u socdaan Washington si ay ula kulmaan Trump, inkasta oo aan la cayimin taariikhda.

Markii xiisadda labada dal ay cirka isku shareertay bilowgii sanadkan, Qadar waxa ay xoojisay dadaallada lagu qaboojinayo xiisadda, sida uu sheegay diblumaasi ka hadlay wada xaajoodka.

 

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles