Rwanda iyo Congo oo heshiis ku gaaray Mareykanka

Rwanda iyo Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo ayaa caasimada Maraykanka ee Washington ku wada saxiixday heshiis lagu soo afjarayo colaada daran ee tobannaanka sano soo jiitamayay ee u dhaxaysay labada dal ee deriska ah, lagana yaabo in Maraykanka laga siiyo macdan faa’iido badan.

Heshiiska ayaa dhigaya qodobo ay kamid yihiin kala saarid, hubka dhigis iyo shuruudo ku xiran isdhexgal lagu sameeyo kooxaha hubaysan ee ka dagaalama Bariga dalka DR Congo.

Faahfaahinada dheeraadka ah ayaa kooban, waxaana horay u guul daraystay heshiisyadii nabadeed ee hore ee gobolka oo noqday kuwa fashilmay – haddana taasi kama aysan niyad jabin madaxweynayaasha Mareykanka iyo Kongo inay tani u noqoto guul taariikhi ah.

“Maanta, rabshadaha iyo burburku waa dhamaad, gobolka oo dhanna wuxuu billaabay bog cusub oo rajo iyo fursad ah,” ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka Donald Trump

Heshiiska waxaa labada dal u kala saxiixay Wasiirada Arrimaha Dibadda Congo iyo Rwanda, iyada oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

“Waa guul kale oo diblamaasiyadeed oo uu gaaray madaxweyne Félix Tshisekedi – hubaal waa tii ugu muhiimsanayd in ka badan 30 sano,” .

Waxaa jiray hadal heyn kale oo ku aadan Tshisekedi iyo madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ay u socdaan Washington si ay ula kulmaan Trump, inkasta oo aan la cayimin taariikhda.

Markii xiisadda labada dal ay cirka isku shareertay bilowgii sanadkan, Qadar waxa ay xoojisay dadaallada lagu qaboojinayo xiisadda, sida uu sheegay diblumaasi ka hadlay wada xaajoodka.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Janan oo Baladxaawo tagay, heshiiskii Nairobi iyo wareejinta xerada UK oo la qorsheeyay

Wararka laga helayo G/Gedo ayaa sheegaya in Cabdirashiid Janan...

Shiinaha oo digniin u diray Somaliland kadib xiriirka Taiwan

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay...

Mareykanka oo soo jeediyay in xafiiska Q.M ee UNSOS hal sano oo dheeraad ah lagu kordhiyo

Dowladda Mareykanka ayaa soo jeedisay in Xafiiska Taageerada Qaramada...

Fadhigii Golaha Shacabka oo maanta Baaqday

Waxaa maanta baaqday fadhiga ay yeelan lahaayeen xildhibaanada Golaha...

DFS oo sheegtay inay burburisay shabakado ka tirsan Al-Shabaab

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles