Garsooraha Soomaaliga ah ee Cabdulqawi Ahmed Yuusuf ayaa iska casilaya xubinnimadii Garsooreyaasha Maxkamadda Caddaaladda Aduunka ee (ICJ).
War-saxaafadeed ka soo baxay Maxkamadda ICJ ee fadhigeedu yahay magaalada Hague, Netherlands, ayaa lagu sheegay inuu Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf xilka ka tegi doono 30-ka Septembar 2025, isagoo xilkiisa ku ekaa 5-ta Febraayo 2027.
Golaha Ammaanka Q/Midoobay ayaa qaabilsan inuu shaaciyo xilliga la doornayo Garsooraha bedeli doona C/qawi.
Garsoore Cabdulqawi, oo u dhashay dalka Soomaaliya, wuxuu xubin rasmi ah ka ahaa Maxkamadda tan iyo 6-dii Febraayo 2009, wuxuuna soo qabtay xilka Madaxweyne Ku-xigeen sanadihii 2015–2018, iyo xilka Madaxweyne Maxkamadda sanadihii 2018–2021. Lama sheegin sababta dhabta ah ee keentay is-casilaadiisa.



