Maraykanka oo muwaadiintiisa kala baxaya Ciraaq

Shaqaalaha aan muhiimka ahayn ee safaaradda Mareykanka iyo qoysaskooda ee ku sugan Baqdaad ayaa lagu wargeliyay in laga rarayo dalka Ciraaq sababo la xidhiidha khataraha amni ee isa soo taraya, sida ay sheegeen ilo dowladda Mareykanka ka tirsan.

Mas’uuliyiintu ma sheegin si sax ah waxa sababay tallaabadan, balse Arbacadii, warbaahinta CBS  ayaa sheegtay in saraakiil Mareykan ah lagu wargeliyay in Israa’iil ay diyaar u tahay in ay weerar ku qaaddo Iran, iyadoo la soo xiganayo mas’uuliyiin arrintaas xog ogaal u ah.

Saraakiishu waxay sheegeen in tani ay qayb ka tahay sababaha Mareykanku uga digay qaar ka mid ah muwaadiniintiisa in ay ka baxaan gobolka, iyagoo intaas ku daray in Mareykanku filayo in Iran ay uga aargoosan karto goobo gaar ah oo Mareykanku ku leeyahay gudaha Ciraaq.

Arrintan waxay imaaneysaa xilli wadahadalladii Mareykanka iyo Iran ee ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ay u muuqdaan kuwa istaagay. Wakiilka Mareykanka u qaabilsan Bariga Dhexe, Steve Witkoff, ayaa weli qorsheynaya inuu la kulmo mas’uuliyiin Iraniyiin ah Axadda, si loogu guda galo wareegga lixaad ee wadahadallada, sida ay CBS u xaqiijiyeen mas’uuliyiinta.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles