Garsoore Cabdul Qawi oo iska casilay xubinimada Maxkamada ICJ

Garsooraha Soomaaliga ah ee Cabdulqawi Ahmed Yuusuf ayaa iska casilaya xubinnimadii Garsooreyaasha Maxkamadda Caddaaladda Aduunka ee (ICJ).

War-saxaafadeed ka soo baxay Maxkamadda ICJ ee fadhigeedu yahay magaalada Hague, Netherlands, ayaa lagu sheegay inuu Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf xilka ka tegi doono 30-ka Septembar 2025, isagoo xilkiisa ku ekaa 5-ta Febraayo 2027.

Golaha Ammaanka Q/Midoobay ayaa qaabilsan inuu shaaciyo xilliga la doornayo Garsooraha bedeli doona C/qawi.

Garsoore Cabdulqawi, oo u dhashay dalka Soomaaliya, wuxuu xubin rasmi ah ka ahaa Maxkamadda tan iyo 6-dii Febraayo 2009, wuxuuna soo qabtay xilka Madaxweyne Ku-xigeen sanadihii 2015–2018, iyo xilka Madaxweyne Maxkamadda sanadihii 2018–2021. Lama sheegin sababta dhabta ah ee keentay is-casilaadiisa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles