Golaha Mustaqbalka oo ka digay abaabulka ciidan ee ka dhanka ah Sheekh Shariif

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa walaac xooggan ka muujiyay falal uu ku tilmaamay daandaansi iyo abaabul ciidan oo ka dhan ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isagoo ka digay cawaaqibka amni iyo siyaasadeed ee ka dhalan kara tallaabooyinkaas.

War-saxaafadeed uu goluhu soo saaray ayuu ku sheegay in uu si adag uga soo horjeedo falalka uu ku tilmaamay daandaansiga iyo abaabulka ka dhanka ah Sheekh Shariif, kuwaas oo uu sheegay inay khatar gelin karaan amniga dalka.

Goluhu wuxuu xusay in madaxda dalka looga baahan yahay inay muujiyaan mas’uuliyad, ayna ka fogaadaan tallaabooyin dhaawici kara wada-hadalka siyaasadeed, isla markaana sii hurin kara khilaafaadka iyo amni-darrada.

Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara falalka uu ku tilmaamay daandaansiga iyo argagax-gelinta, isagoo mas’uuliyadda arrimahaas dusha ka saaray madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambayn, goluhu wuxuu madaxweynihii hore ugu baaqay inuu joojiyo tallaabooyinka uu ku tilmaamay daandaansiga, si looga hortago isku dhacyo abuuri kara khatar amni, loona ilaaliyo xasilloonida iyo wadajirka dalka.

WARARKII KALE

 MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska maalinta Calanka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay...

Somaliland oo Itoobiya u bandhigtay isticmaalka dekedda Berbera iyo marin-badeedkeeda

Maamulka Somaliland ayaa mar kale muujiyey sida uu diyaarka...

12-ka Oktoobar: Taariikhda Calanka Soomaaliyeed iyo halgankii ka dambeeyay

Maanta oo kale, 12-ka Oktoobar, Soomaaliya waxay xustaa maalinta...

Khayre oo Xasan Sheekh ku eedeeyay abaabul ciidan oo lagu beegsanayo madaxdii hore

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa...

Iiraan oo sheegtay inay diyaar u tahay dhexdhexaadinta wada-hadalka Sacuudiga iyo Yemen

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Cabbaas Ciraaqji, ayaa khadka taleefanka...

 Tirada khasaaraha ka dhashay weerarkii Riyadh oo korortay

Hay’adda Duulista Rayidka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in muwaadin...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles