Khayre oo Xasan Sheekh ku eedeeyay abaabul ciidan oo lagu beegsanayo madaxdii hore

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara dhaqdhaqaaqyada ciidan ee uu sheegay in lagu beegsanayo guryaha ay Muqdisho ka deggan yihiin madaxdii hore ee dalka. 

Qoraal uu soo saaray ayuu Khayre ku sheegay in tallaabooyinkaas ay abuuri karaan jawi colaadeed oo caasimadda u horseedi kara xasillooni-darro, qalalaase amni iyo hubanti la’aan siyaasadeed.

Khayre ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu ku howlan yahay tallaabooyin halis gelin kara badbaadada madaxdii hore ee qaranka, isagoo sheegay in madaxweynaha uu qaadayo mas’uuliyadda cawaaqib kasta oo ka dhasha xaaladda taagan.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa carrabka ku adkeeyay in awood ciidan iyo cagajugleyn aan lagu xallin karin khilaafaadka siyaasadeed ee dalka, isagoo ku baaqay in dib loogu laabto miiska wada-hadalka.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay heshiis siyaasadeed oo laga gaaro doorashada, si Soomaaliya ay u hesho dowlad ku timaadda hannaan la isku raacsan yahay oo leh sharciyad ay dalka ku hoggaamiso.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay sii xoogaysanayaan walaacyada mucaaradka ee la xiriira xaaladda siyaasadeed iyo tallaabooyinka amni ee ay sheegeen in lagu beegsanayo madaxdii hore ee dalka.

WARARKII KALE

Baaritaan laga fuliyay guriga Ilhan Omar maxaa loo haystaa

Saraakiisha socdaalka ee Maraykanka ayaa baaritaan ka fuliyey guriga...

 MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska maalinta Calanka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay...

Somaliland oo Itoobiya u bandhigtay isticmaalka dekedda Berbera iyo marin-badeedkeeda

Maamulka Somaliland ayaa mar kale muujiyey sida uu diyaarka...

12-ka Oktoobar: Taariikhda Calanka Soomaaliyeed iyo halgankii ka dambeeyay

Maanta oo kale, 12-ka Oktoobar, Soomaaliya waxay xustaa maalinta...

Iiraan oo sheegtay inay diyaar u tahay dhexdhexaadinta wada-hadalka Sacuudiga iyo Yemen

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Cabbaas Ciraaqji, ayaa khadka taleefanka...

Golaha Mustaqbalka oo ka digay abaabulka ciidan ee ka dhanka ah Sheekh Shariif

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa walaac xooggan ka muujiyay falal...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles