Maanta oo kale, 12-ka Oktoobar, Soomaaliya waxay xustaa maalinta Calanka Soomaaliyeed, oo astaan u ah qarannimada, midnimada iyo halgankii gobannimo-doonka. Waxaa laga joogaa 72 sano markii calanka buluugga ah ee xiddigta cad dhexda ku leh loo sameeyay ummadda Soomaaliyeed.
Calanka Soomaaliya ma aha oo keliya maro buluug ah oo xiddig cad dhexda kaga taal, balse waa astaan xambaarsan taariikh, halgan iyo himilo ku saabsan midnimada dadka Soomaaliyeed, kuwa ku nool gudaha dalka iyo kuwa ku kala nool dhulka kale ee Soomaalidu degto.
Taariikhda calanka waxaa saldhig u ahaa dadaalladii halgamaayaashii Soomaaliyeed ee doonayay in ummadda la mideeyo, lagana xoreeyo gumeysiga. Xilligii halganka gobannimo-doonka, ururkii SYL ayaa ka mid ahaa xoogaggii ku dadaalay sidii loo heli lahaa astaan mideysa Soomaalida.
Sida uu sheegay halgamaagii Soomaaliyeed Cali Xasan Maslax Berdura, oo ka mid ahaa 13-kii aasaasay SYL, habeenkii la dhisay ururka waxaa laga wada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen dastuur, mabaadi’da ururka iyo calan ka tarjumaya himilada dadka Soomaaliyeed.
Hindisayaashii hore ee calanka ayaa la xiriiray astaamo muujinayay Islaamka, Soomaalinimada iyo midnimada. Hase yeeshee, markii dambe waxaa la bilaabay dadaallo lagu heli lahaa calan si cad uga tarjumaya himilada Soomaalida iyo rajada laga qabay in la mideeyo dhulka ay Soomaalidu degto.
Maxamed Cawaale Liibaan iyo curinta calanka
Ugu dambayn, waxaa la qaatay hindisihii Alle ha u naxariistee Maxamed Cawaale Liibaan, oo ka mid ahaa halgamayaashii Soomaaliyeed ee ku jiray dhaqdhaqaaqyada gobannimo-doonka iyo ururradii bulshada.
Calanka buluugga ah ee xiddigta cad dhexda ku leh waxaa la sameeyay 12-kii Oktoobar 1954-kii, sida ku cad taariikhda sida weyn loo yaqaan. Maalintaas ayaa noqotay mid muhiim u ah taariikhda qarannimada Soomaaliya, iyadoo calanku astaan u noqday halgankii xorriyadda iyo himiladii midnimada.
Xiddigta cad ee shanta gees leh ayaa astaan u ah shantii qaybood ee dhulka Soomaalidu degto ee halgankii Soomaalinimada lagu doonayay in la mideeyo. Midabka buluugga khafiifka ahna wuxuu calanka siinayaa muuqaal lagu garto, isla markaana la xiriira fasiraadaha taariikheed ee laga bixiyo astaanta qaranka.
Calanka ayaa noqday astaan ay Soomaalidu ku mideysan tahay, laguna xuso halgankii loo soo maray xorriyadda iyo dhismaha dowlad Soomaaliyeed.
Heesta Calanka iyo taariikhdeeda
Sidoo kale, Heesta Calanka Soomaaliyeed waxay leedahay taariikh gaar ah oo ku xiran halgankii gobannimo-doonka iyo horumarkii fanka Soomaaliyeed.
Miraheeda waxaa lahaa Alle ha u naxariistee Abwaan Xuseen Aw Faarax Dubbad, halka laxanka uu sameeyay Alle ha u naxariistee Cabdullaahi Maxamed Maxamuud Xirsi, oo loo yaqaannay Qarshe.
Sida lagu xusay xusuusaha laga qoray taariikhda heesta, waxaa la sheegay in heestu qayb ka ahayd riwaayad ay ku kulmeen labada abwaan iyo fanaaniin kale oo Soomaaliyeed. Riwaayaddaas ayaa Muqdisho lagu dhigay sannadkii 1956-kii, iyadoo fanka loo adeegsanayay muujinta Soomaalinimada iyo isu soo dhoweynta bulshada.
Heesta Calanka ayaa muddo dheer ahayd astaan lagu muujiyo jacaylka dalka, midnimada iyo ku faanidda qarannimada Soomaaliyeed.
Midnimada Soomaaliyeed iyo caqabadaha maanta
Inkasta oo calanka iyo heesta qaranku ay leeyihiin taariikh qiimo badan, haddana waxaa jira walaac laga muujiyo sida ay maanta u liidato dareenkii midnimo ee Soomaalida qaarkeed.
Khilaafaadka siyaasadeed, kala qaybsanaanta bulshada iyo loollanka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ayaa marar badan dhaliyay dood ku saabsan halka ay marayso himiladii qaran ee ay lahaayeen halgamayaashii gobannimo-doonka.
Jen. Jaamac Maxamed Qaalib ayaa ka mid ahaa dadka ka hadlay isbeddelka ku yimid dareenkii Soomaalinimada, isagoo xusay in jiilashii hore ay si weyn ugu faani jireen calanka, ciidanka qaranka iyo magaca Soomaaliyeed.
Maanta, waxaa muuqata in calamada maamul-goboleedyada iyo astaamaha siyaasadeed ay door weyn ku leeyihiin aqoonsiga maamulada kala duwan, taas oo dhalisay dood ku saabsan sidii dib loogu xoojin lahaa dareenka qarannimada iyo midnimada dalka.
Si kastaba ha ahaatee, Calanka Soomaaliyeed wuxuu weli astaan u yahay taariikhda halganka, xorriyadda iyo himilada midnimada. Xuska 12-ka Oktoobar wuxuu bulshada xusuusinayaa in qarannimadu aysan ku koobnayn calan la taago, balse ay sidoo kale ku dhisan tahay ilaalinta wadajirka, sharciga, xuquuqda muwaadiniinta iyo mustaqbal ay Soomaalidu wadaagto.
Maalinta Calanka Soomaaliyeed waa xusuusin ku saabsan halgankii shalay, xaaladda maanta iyo masuuliyadda jiilalka hadda jooga ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo jiritaanka qaranka.


