Tuesday, March 11, 2025

Golaha Shacabka oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafadda Qaranka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka,waxaana kulanka shir guddoomineysay guddoomiye kuxieenka koowaad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn habdhowraha golaba shacabka ee baarlamaanka Dalka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay wasiiru dowlaha cusub ee wasaaradda howlaha guud iyo guryeynta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Siciid Maxamed Maxamuud Xayd oo dhowaan xilkaasi loo magacaabay.

guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Xaawo Sokor Cali ayaa xildhibaanada u faahfaahisay warbixinta akhrinta sedaxaad ee hindise sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada Qaranka oo laba akhrin oo hore soo maray.

Intaasi ka dib xildhibaanadda golaha shacabka oo cod u qaaday hindise sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada Qaranka ayaa waxaa haa ku ogolaatay 135-Xildhibaan hal xildhibaan ayaa diiday afar xildhibaanna waa ay ka aamustay sida ay sheegtay guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo natiijada codeynta ku dhowaaqday.

Wasiirka wasaaradda arrimaha qoyska iyo horumarinta xuquuqul insaanka ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Bashiir Maxamed Jaamac iyo guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Xaawo Sokor Cali ayaa xildhibaanadda golaha shacabka uga mahadceliyay ansixinta hindise sharciyeedkan.

Ugu dambeyn Xildhibaanadda golaha shacabka ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka soomaaliya ayaa maanta waxaa loo qeybiyay akhrinta sedaxaad ee hindise sharciyeedkan xeerka shaqada Soomaaliya.

WARARKII KALE

Madaxweynihii hore ee Filibiin, Rodrigo Duterte oo la xiray – Maxaa lagu haystaa

Madaxweynihii hore ee Filibiin, Rodrigo Duterte, ayaa Talaadada maanta...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 11/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday askar ku soo dhaawacanta hawlgalka Khawaarijta ka dhanka ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddiga madax bannaan ee doorashooyinka oo shahaado guddoonsiiyay ururka midowga Soomaaliya

Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Imaaraadka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha hirshabeelle oo si adag u cambaareeyay weerarkii argagixisada ee ka dhacay Beledweyne

Madaxweynaha Hirshabeelle  Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ugu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles