Thursday, June 19, 2025

Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan oo isku day dil ka badbaaday

Hoggaamiyaha ugu sarreeya milatariga dalka Sudan Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan , ayaa ka badbaaday isku day dil oo la sheegay in ay maleegeen ciidamada gurmadka degdega ee RSF, kuwaa oo dagaal xooggan kala dhaxeeyo ciidanka milatariga.

Afhayeenka ciidamada Suudaan Nabil Abdallah , ayaa sheegay in hoggaamiyaha milatariga Sudan uu ka badbaaday isku day dil, waxa uuna ku eedeeyay in ciidamada RSF ee kasoo horjeeda ay maleegeen qorshaha la doonayay in lagu dilo Al-Burhaan.

Xero ciidan uu ku sugnaa Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan uuna kaga qeyb galayay munaasabad ay ciidamo ku qalin-jabinayeen ayaa lagu soo weeraray labo gantaal, waxaana la sheegay in hoggaamiyaha milatariga Sudan ka badbaaday weerarkaasi.

Warbaahinta dalka Sudan ayaa ku warantay in weerarka gantaal ee lagu qaaday xerada uu ku sugnaa Jeneraal Al-Burhaan ay ku dhaawacmeen shan sargaal oo katirsanaa ciidanka milatariga, mana la sheegin khasaaro dhimasho oo weerarkaasi ka dhashay.

Dalka Sudan awoodda waxaa isku heesta labo jeneraal oo kala hoggaamiya ciidamada milatariga iyo kuwa gurmadka degdega, waxaana dalkaasi muddo ka badan sannad ka socda dagaal dhiig badan ku daatay kuna barakaceen dad aad u badan.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 19/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Israa’iil oo dil ugu hanjabtay hoggaamiyaha Iran Ayatollah Ali Khamenei

Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa sheegay in hoggaamiyaha sare ee...

DFS oo sheegtay in muwaadinkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed laga soo qaaday dalka Iiran lana geeyay dalka Turkiga

Howlwadeennada Safaarada JFS ee wadanka Turkiga ayaa goor dhawayd...

Warmurtiyeed maanta laga saarayo shirka gogosha Wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho

Shirka Gogosha Wadatashiga Qaranka ee uu furay Madaxweynaha  Soomaaliya...

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku weeraray deegaan hoostaga Ceelbuur

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in...

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles