Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan oo isku day dil ka badbaaday

Hoggaamiyaha ugu sarreeya milatariga dalka Sudan Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan , ayaa ka badbaaday isku day dil oo la sheegay in ay maleegeen ciidamada gurmadka degdega ee RSF, kuwaa oo dagaal xooggan kala dhaxeeyo ciidanka milatariga.

Afhayeenka ciidamada Suudaan Nabil Abdallah , ayaa sheegay in hoggaamiyaha milatariga Sudan uu ka badbaaday isku day dil, waxa uuna ku eedeeyay in ciidamada RSF ee kasoo horjeeda ay maleegeen qorshaha la doonayay in lagu dilo Al-Burhaan.

Xero ciidan uu ku sugnaa Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan uuna kaga qeyb galayay munaasabad ay ciidamo ku qalin-jabinayeen ayaa lagu soo weeraray labo gantaal, waxaana la sheegay in hoggaamiyaha milatariga Sudan ka badbaaday weerarkaasi.

Warbaahinta dalka Sudan ayaa ku warantay in weerarka gantaal ee lagu qaaday xerada uu ku sugnaa Jeneraal Al-Burhaan ay ku dhaawacmeen shan sargaal oo katirsanaa ciidanka milatariga, mana la sheegin khasaaro dhimasho oo weerarkaasi ka dhashay.

Dalka Sudan awoodda waxaa isku heesta labo jeneraal oo kala hoggaamiya ciidamada milatariga iyo kuwa gurmadka degdega, waxaana dalkaasi muddo ka badan sannad ka socda dagaal dhiig badan ku daatay kuna barakaceen dad aad u badan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Itoobiya oo ku eedaysay Eritrea inay ku xadgudbtay madaxbannaanideeda

Itoobiya ayaa ku eedaysay dalka deriska la ah ee...

Jubbaland oo ku dhawaaqday in si nabad ah loo soo afjaray xiisaddii Beledxaawo

Madaxtooyada Jubbaland ayaa ku dhawaaqday in si nabad ah...

Weerar ku bilowday qaraxyo oo ka dhacay Hiiraan

Dagaal xooggan ayaa ka dhacay tuulada Xaanshi Gadafar oo...

Jubbaland oo la wareegtay amniga Beledxaawo

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Baladxaawo, ciidamada Jubbaland...

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Soomaalida Minnesota

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa weerar afka ah ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles