Sunday, February 9, 2025

Golaha wasiirada Israa’iil oo ansixiyay aargudsi ka dhan ah Xisbullah

Golaha Wasiirada Amniga ee Israel ayaa ansixiyay tallaabada Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisa Difaaca ay ku go’aamin doonaan goorta iyo sida looga aargudan karo gantaaladii lagu weeraray dhulka Israa’iil ay heysato, waxaana Mareykanka uu sheegay in weerarkaas ay fuliyeen Xisbullah.

Wasiirada ayaa kulan degdeg ah yeeshay kadib weerarkii ka dhacay Buuraha Golan ee ay Israa’iil haysato fiidnimadii Sabtida, kaas oo lagu dilay 12 carruur ah iyo dhallinyaro ka tirsan Druze.

Weerarkaas ayaa ahaa midkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca xuduudka muddo bilo ah, Xisbullah dhankeeda waa ay beenisay inay ku lug leedahay.

Weerarka ayaa sii kordhiyey cabsida laga qabo in dagaalka oo ilaa hadda la xakameeyey uu sii fido oo uu noqdo dagaal u dhaxeeya labada dhinac.

Dawladaha reer galbeedka ayaa ugu baaqaya Israa’iil inay is xakameeyaan si ay uga jawaabaan weerarka.

Aqalka Cad ayaa sheegay in ay “wadahadal joogto ah la lahaayeen dhinacyada Israa’iil iyo Lubnaan tan iyo weerarkii argagaxa lahaa” ee ka dhacay garoon lagu ciyaaro kubadda cagta oo ku yaalla xaafadda Druze ee Majdal Shams.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 08/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha SODMA oo gaaray dalka Kuwait

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ee SoDMA,...

Dowladda Soomaaliya oo Aroos Dhigaysa Lammaane Katirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku guurinaysa lammaane mid ka...

Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay shir Muhiim Ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xamaas oo maanta ah sii deyneysa 3 la heyste oo Israa’iiliyiin ah

Xamaas ayaa Sabtida maanta ah sii deyneysa 3 la...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 07/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles