Golaha wasiirada Israa’iil oo ansixiyay aargudsi ka dhan ah Xisbullah

Golaha Wasiirada Amniga ee Israel ayaa ansixiyay tallaabada Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisa Difaaca ay ku go’aamin doonaan goorta iyo sida looga aargudan karo gantaaladii lagu weeraray dhulka Israa’iil ay heysato, waxaana Mareykanka uu sheegay in weerarkaas ay fuliyeen Xisbullah.

Wasiirada ayaa kulan degdeg ah yeeshay kadib weerarkii ka dhacay Buuraha Golan ee ay Israa’iil haysato fiidnimadii Sabtida, kaas oo lagu dilay 12 carruur ah iyo dhallinyaro ka tirsan Druze.

Weerarkaas ayaa ahaa midkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca xuduudka muddo bilo ah, Xisbullah dhankeeda waa ay beenisay inay ku lug leedahay.

Weerarka ayaa sii kordhiyey cabsida laga qabo in dagaalka oo ilaa hadda la xakameeyey uu sii fido oo uu noqdo dagaal u dhaxeeya labada dhinac.

Dawladaha reer galbeedka ayaa ugu baaqaya Israa’iil inay is xakameeyaan si ay uga jawaabaan weerarka.

Aqalka Cad ayaa sheegay in ay “wadahadal joogto ah la lahaayeen dhinacyada Israa’iil iyo Lubnaan tan iyo weerarkii argagaxa lahaa” ee ka dhacay garoon lagu ciyaaro kubadda cagta oo ku yaalla xaafadda Druze ee Majdal Shams.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles