Golaha wasiirada Maamulka Waqooyi Bari oo la ansixiyay

Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya Cabdiqaadir Axmed Aw Cali oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeen Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta horgeeyey Golaha Baarlamaanka DWS xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada iyo Qorshaha xukuummadda ee 5-ta Sano.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey Golaha ayaa Xildhibaanada sharafta badan ka codsaday inay codka kalsoonida siiyaan Xukuumada cusub, isagoo sidoo kale Golaha Baarlamaanka la wadaagay Barnaamijka uu ku hoggaaminaya Xukuumada oo ka kooban Lix tiir ee oo kala ah:-

1. Amniga iyo Cadaaladda

2. Daadejinta Dawladda iyo Dimuqraadiyeynta

3. Horumarinta dhaqaalaha

4. Horumarinta adeegyada bulshada

5. Xaqiijinta Maamul wanaaga iyo cidhib-tirka Musuqa

6. Tayaynta Garsoorka iyo xaqiijinya sarreynta sharciga

Intaa kaddib, Golaha Baarlamaanka ayaa Xubnaha Golaha Wasiirada mid mid uga dhegaystay sooyaalkooda nololeed iyaga oo ku ansixiyey cod aqlabiyad ah, sidaasna waxaa ku ansaxay Golaha Xukuumada iyo Barnaamijka 5-ta Sano.

Ugu dambayn Madaxweynaha ayaa Shir-guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha uga mahadceliyey ansixinta Xukuumada iyo Qorshaha 5-ta Sano, isaga oo ku boogaadiyey shaqada wanaagsan ee Goluhu hayo, xusayna muhiimada ay leedahay adkaynta wadashaqaynta Goleyaasha Dawladda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles