Wednesday, February 18, 2026

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey darajooyinka loo asteeyey Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo shuruuc kale oo muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ka dhageystay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, warbixinno la xiriira diyaar-garowga doorashooyinka hal qof iyo hal cod, ee la qorsheynayo in dalka laga qabto.

Guddiga ayaa Golaha la wadaaggay Xogta liiska ku-meer gaarka ah ee diiwaan-gelinta codbixiyaasha Gobolka Banaadir, waxaana ay sheegeen in 30-ka bisha Nofeembar laga qaban doono caasimadda Muqdisho doorashada Golayaasha deegaanka.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee la xiriirta darajooyinka Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyada oo la raacayo sharciga dooraashooyinka ee qeexaya habraaca darajooyinka Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Darajooyinka loo asteeyey degmooyinka ayaa kala ah, sagaal degmo oo darjada (A) ah iyo toddabo degmo oo darjada (B) ah.

Degmooyinka Darajada (A)
1. Hodan
2. Yaaqshiid
3. Deyniile
4. Kaaraan
5. Dharkeenley
6. Wadajir
7. Warta-Nabadda
8. Heliwaa
9. Howl-wadaag
Degmooyinka Darajada (B)
1. Waaberi
2. Shibis
3. Xamar-jajab
4. Boondheere
5. Xamar-weyne
6. Cabdicasiis
7. Shangaani

Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansxiyey shuruuc iyo heshiisyo muhiim u ah dalka, kuwaas oo kala ah;

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo iyo baaq u diray shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Farmaajo oo ku baaqay in Bisha Ramadaan loo gurmado dadka danta yar

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qoraal...

Sacuudi Carabiya oo ku dhawaaqay in Berri ay tahay Ramadaan

Maxkamadda Sare ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi...

Madaxweyne xasan sheekh oo kulan la qaatay xubnaha golaha mustaqbalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiir Fiqi iyo masuuliyiin kale oo maanta tagay Shabeellada Hoose

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles