Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in heer gabagabo ah ay marayaan howlihii ku aadanaa diiwaangalinta dadka ee doorashooyinka loo qorsheeyay qof iyo cod.
“waa in nala aamino oo la tijaabiyo qaabka aan u qabaneyno doorashooyinka golaha deegaanka Gobolka Banaadir”ayuu yiri guddoomiyaha oo sii wata hadaldiisa.
Mudane Cabdikariin Axmed ayaa xusay in la diiwaangaliyay 61 Urur siyaasadeed ,isla markaana la xaqiijiyay wax ku dhow hal milyan ruux oo dad ah,si ay qeyb uga noqdaan doorashooyinka soo socda.
Guddoomiyaha Guddigga Doorashooyinka Qaranka waxa uu qiray in haatan ay gabagabo marayaan howshii diiwaangalinta,sidaa daraadeedna waqti dhow la qaban doono doorashooyinka golaha deegaanka ee gobolka banaadir.


