Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed ayaa 26-ka Sebtembar 2026 soo saaray qoraal ku saabsan fulinta qaraarkii Golaha Shacabka ee lagu laalay qaraarkii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee ku saabsanaa hannaanka tartanka furan ee xilalka Agaasimayaasha Waaxyaha Dowladda.
Guddiga ayaa sheegay inuu qaaday tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu fulinayo go’aanka Golaha Shacabka, iyadoo Wasaaradda Shaqaalaha iyo hay’adaha dowladda lagu wargeliyay waajibaadka ka dhashay qaraarka.
Sidoo kale, Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka ayaa hakiyay dhammaan boosaskii Agaasimayaasha Waaxyaha ee horay loogu baahiyay baraha bulshada iyo bogagga hay’adaha dowladda, kuwaas oo lagu sheegay in lagu buuxinayo nidaamka “Internal Merit-Based Recruitment” ama tartan gudaha ah.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Golaha Shacabka uu 23-kii Sebtembar 2026 laalay qaraarkii 17-kii Sebtembar kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo farayay in xilalka Agaasimayaasha Waaxyaha lagu buuxiyo hannaan tartan furan.
Waxaa xusid mudan in hay’ado dowladeed ay maalmo ka hor bilaabeen baahinta fursadaha shaqo ee Agaasimayaasha Waaxyaha, iyadoo qaar ka mid ah boosaska lagu sheegay inay yihiin tartan gudaha ah.


