Tuesday, March 3, 2026

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee BFS oo maanta gaaray Magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira wasiiro iyo xildhibaano oo uu hogaaminayo ayaa goordhow soo gaaray Magaaladda Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaaladda Baydhabo kusoo dhoweeyay Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka ee Magaaladda Baydhabo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ka dib shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen xarunta Madaxtooyadda ee Magaaladda Baydhabo ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Dr Cali Siciid Fiqi waxa uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa ku soo dhoweeyay Magaaladda Baydhabo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo qeybaha kala duwan bulshada Magaaladda Baydhabo uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo maalmaha soo socda ku sugnaan doona Magaaladda Baydhabo ayaa waxa uu kulamo la qaadan doonaa mas’uiyiinta Maamulka Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles