Tuesday, April 7, 2026

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo qaabbilay safiirka Falastiin ee Soomaaliya

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay wehilyaan guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo guddoomiye ku-xigeenka hay’adda culimada Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis) ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay danjiraha cusub ee dowladda Falastiin, Rowaid Adil Mohamed.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed u taageeri lahaayeen dhiggooda reer Falastiin ee colaadaha iyo barakicintu saameysay, halka kulanka lagu muujiyay sida dadka Soomaaliyeed garab taagan yihiin xor-ahanshaha iyo madax-bannaanidooda.

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa safiirka ugu hambalyeeyay xilka cusub, halka Danjire Rowaid Adil uu ka mahad-celiyay taageerada muddada fog ah ee shacabka Soomaaliyeed la garab taagan yihiin walaalahood reer Falastiin.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidanka DFS oo howlgal culus ka fuliyay degmada Jilib

Ciidanka gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka...

Somaliland oo Ka Hadashay Hanjabaadaha Xuutiyiinta

Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeyssy ka hadlay wararka...

Qatar iyo Iraan oo arrimo xasaasi ah ka wadahadlay

Raysal wasaaraha dalka Qadar, Sheekh Maxamad bin Cabdulrahman bin...

MW Xasan Sheekh oo Baydhabo kula shiray saraakiisha ciidamada ammaanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka amniga...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles