Israel oo sheegtay in nin hubeysan ay ku dishay Daanta Galbeed

Militeriga Israel waxay sheegeen in ciidankooda ay dileen nin rasaas ku furay meel u dhow tuulada Tayasir ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.

Israel waxay kaloo sheegtay in ninka rasaasta furay uu ku dhintay xabadihii laysku ridayay, ma jirto faahfaahin intaas ka badan ay bixiyeen.

Warbaahinta Israel waxay sheegtay in sideed qof ay ku dhawaacmeen iyadoo labo ka mid ah dadkaas ay xaaladooda xun tahay.

Barta wararka ee The Times of Israel waxay kaloo qortay in ninka hubeysan ay u suuragashay in uu galo fariisin militeri oo ku dheganaa bar kontarool.

Wariyaha BBC-da xafiiska Jerusalem, Mahmoud Adama, waxa uu sheegay in warka warbaahinta Israel uu ka yimid baarista militeriga ee ah in ninka weerarka soo qaaday uu haystay xogta saxda ah ee ku saabsan dhaqdhaqaaqa ciidamada iyo halka ay joogaan.

Islamig Jihad waxay taageereen weerarka iyagoo ku tilmaamay in uu ahaa fal geesinimo, waxayna sheegeen in iska caabinta ay sii socon doonto ilaa laga adkaanayo kuwa xoogga wax ku qabsaday.

Wakaaladda wararka Falastiin, WAFA, waxay sheegtay in ciidamada Israel ay ku dileen nin dhalinyaro ah meel u dhow fariisinka militeri ee Tayasir ee bariga magaalada Tubas.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Ciidanka Lafta gareen oo la wareegay Qansaxdheere

Ciidamada Taabacsan Lafta Gareen ayaa maanta dib ula wareegay...

Al-Shabaab oo dad ku laayay Hiiraan iyo dagaal ka socda Tardo

Wararka laga helayo deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ayaa...

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay iyo diyaar-garowga shirka oo socda

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo...

Mareykanka oo xiray wiil Soomaali ah oo weerar ka fulin rabay Minnesota

Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa xiray Sheikhdoon Cabdullaahi Maxamuud, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles