Thursday, February 6, 2025

Israel oo sheegtay in nin hubeysan ay ku dishay Daanta Galbeed

Militeriga Israel waxay sheegeen in ciidankooda ay dileen nin rasaas ku furay meel u dhow tuulada Tayasir ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.

Israel waxay kaloo sheegtay in ninka rasaasta furay uu ku dhintay xabadihii laysku ridayay, ma jirto faahfaahin intaas ka badan ay bixiyeen.

Warbaahinta Israel waxay sheegtay in sideed qof ay ku dhawaacmeen iyadoo labo ka mid ah dadkaas ay xaaladooda xun tahay.

Barta wararka ee The Times of Israel waxay kaloo qortay in ninka hubeysan ay u suuragashay in uu galo fariisin militeri oo ku dheganaa bar kontarool.

Wariyaha BBC-da xafiiska Jerusalem, Mahmoud Adama, waxa uu sheegay in warka warbaahinta Israel uu ka yimid baarista militeriga ee ah in ninka weerarka soo qaaday uu haystay xogta saxda ah ee ku saabsan dhaqdhaqaaqa ciidamada iyo halka ay joogaan.

Islamig Jihad waxay taageereen weerarka iyagoo ku tilmaamay in uu ahaa fal geesinimo, waxayna sheegeen in iska caabinta ay sii socon doonto ilaa laga adkaanayo kuwa xoogga wax ku qabsaday.

Wakaaladda wararka Falastiin, WAFA, waxay sheegtay in ciidamada Israel ay ku dileen nin dhalinyaro ah meel u dhow fariisinka militeri ee Tayasir ee bariga magaalada Tubas.

WARARKII KALE

Firdhiye oo furay dugsiga tababarka ciidanka Daraawiishta SSC

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa maanta...

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Gudoomiyy Kulanka Guddiga Joogta ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Turkiga oo xusaya sannadguuradii 2aad ee dhulgariirkii ay dadka badan ku dhinteen

Xusas ayaa ka socda Turkiga, kuwaasoo lagu xusayo laba...

Golaha wasiiradda XFS oo bogaadiyey hawlgalka Daacish

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa bogaadiyey Ciidamada...

Shirweynaha xeer ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

𝗦𝗵𝗶𝗿𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝟳𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲 x𝗲𝗲𝗿 i𝗹𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 ayaa maanta galay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles