Maxamuud Salaad Warsame ayaa maanta loo magacaabay Guddoomiyaha Kumeel-gaarka ah ee Baarlamaanka cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya, kadib markii uu kusoo baxay xildhibaanka ugu da’da weyn xubnaha cusub ee golaha.
Xildhibaannada cusub ayaa loo dhaariyay xilka, waxaana sida dastuurku dhigayo lagu wakiishay Maxamuud Salaad Warsame inuu hoggaamiyo kulamada baarlamaanka illaa laga doorto guddoomiye rasmi ah iyo ku-xigeennadiisa.
Doorashada guddoonka Baarlamaanka ayaa lagu wadaa inay qabsoonto maalmaha soo socda, taas oo ka dibna la guda geli doono doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka maamulka cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo dhabbaha u xaaraysa dhismaha hay’adaha rasmiga ah ee maamulka cusub, iyadoo indhaha shacabka iyo beesha caalamkuba ay ku sii jeedaan Laascaanood.


