DFS oo sheegtay in howlgal lagu dilay horjooge ka tirsanaa Al-shabaab

War ka soo baxay wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa looga hadlay howlgal qorsheysan oo ciidanka ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Bakool.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD), oo ku duulaya xog sirdoon iyo raad-joogis dheer, ayaa xalay howlgal qorsheysan ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, kaas oo lagu magacaabi jiray Xuseen Macallin Xasan (Magaalabeen), Howlgalkan ayaana ka dhacay meel u dhow deegaanka Buurdhuxunle oo 17km waqooyi kaga beegan magaalada Waajid ee gobolka Bakool.”Ayaa lagu yiri warka.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi lagu daray “Dhagarqabaha la dilay oo kooxda ku jiray muddo ka badan 15 sano, ayaa ahaa mid si weyn loo raadinayay Intii uu ka tirsanaa Khawaarijta waxaana uu ahaa maskaxdii ka dambeysay falal argagixiso oo lagu dhibaateeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe, Shabeellada Hoose, Mudug, Galgaduud, Baay, Bakool iyo Gedo.”

Horjoogahan la khaarajiyay Xuseen Macallin Xasan (Magaalabeen) ayaa qoraalka lagu sheegay in horay uu u soo noqday:

* Madaxa howlgelinta dagaalka ee Gobollada Baay, Bakool iyo Gedo,

* Madaxa baadda xoolaha ee gobolka Bakool,

* Madaxa sirdoonka kooxda ee gobollada Labada Shabeelle iyo Hiiraan,

Sidoo kale waxaa uu soo noqday ku-xigeenkii Fu’aad Maxamed Shongole ee marin-habaabinta iyo faafinta afkaaraha xagjirka ah.

“Dhagarqabe Xuseen ayaa ka danbeeyay dagaallo ka dhacay qeybo badan oo ka mid ah dalka, isagoo qorsheeyay dhagarta iyo miinooyinka lagu dhibaateeyay shacabka, Dilkiisu ayaana caddeyn u ah sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu go’an tahay ciribtirka kooxda Khawaarijta, ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka guud ee dalka.”

Qoraalka ayaa lagu soo gabagabeeyay “Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bogaadineysaa howgallada CXD, waxayna xaqiijineysaa in howlgallada noocan oo kale ah ay si joogto ah u socon doonaan, si loo bartilmaameedsado horjoogeyaasha kooxda meelkasta oo ay joogaan, iyadoo la ilaalinayo badqabka shacabka iyo amniga qaranka.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles