Sunday, December 21, 2025

Guddoomiyaha SoDMA oo Nairobi ka daah-furay shir looga hadlayo Digniinaha Halista ah

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ka daahfuray shir looga hadlaayay dhammeystirka iyo fulinta geedi socodka hindisaha sidii bulshada looga haqabtiri lahaa digniinaha halis-wadareedka kana kooban afar tiir oo muhiim ah.

Ajandaha shirkaan oo labo maalmood ahaa ayaa lugu falanqeyay, sidii loo dhammeeystiri lahaa loona buuxin lahaa gaabiska iyo dul-duleellada ka jira nidaamka qaran ee bixiya digniinaha halis-wadareedka (NMHEWC) si loo gaaro yoolka la dajiyay ee badbaadinta nolosha iyadoo loo marayo nidaamka digniinta ugu horrayso ee khatarta badan leh ee Soomaaliya kaas oo ay hay’adda SoDMA dowladda mas’uul uga tahay taaba-gelinta geedi-socodka iyo dhameeystirka hindisahan.

Shirkan wadatashiga ah waxaa soo qaban qaabiyay Hay’adda UNDRR, sidoo kale waxaa shirkan ka soo qeyb galay hay’addaha kala ah UNDP, UNDRR, FAO, WMO,UNFPA, UNHCR, World bank, CIMA Research Foundation iyo saraakiil ka kala socday Wasaaraddaha iyo Hay’addaha kala duwan ee Dowladda Federalka Soomaaliya.

Nidaamkan digniinta hore ee khatarta ee Soomaaliya ayaa u horseedaya dalka dariiq hore loogu soconayo oo lagu gaari doono nidaam bixiya digniinta halis-wadareedka oo wax ku ool ah iyada oo loo marayo hoggaanka SoDMA taas oo looga gol-leeyaha in khatarta halista la saadaaliyay ee soo socota digniinteeda looga haqab-tiri lahaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mucaaradka oo ku dhawaaqay dowlad kale inay dhisayaan haddii MW Xasan Sheekh uu wadahadalo furi waayo bil gudaheed

War saxaafadeed ayaa laga soo saaray shirka Golaha mustaqbalka...

DFS oo hakisay waxbarashada sabab la xiriirta doorashooyinka

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Shirka ka socda Kismaayo

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si faahfaahsan uga...

Wararkii ugu dambeeyay shirka ka socda Kismaayo

Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa galay maalintii saddexaad, iyadoo...

Xuska 82 sano guuradii ka soo wareegatay as aaska ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta lagu qabanayo Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles