Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, saraakiil, masuuliyiin kale iyo shacab salaadda Ciid Fidriga kula tukaday Masaajidka Villa Hargeysa.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo hadal jeediyay ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu hambalyeeyey munaasabadda maalmaha Ciida, isagoo u rajeeyey in ciidaan ciideeda ku gaaraan horrumar, barwaaqo iyo caafimaad qab.


