Saturday, May 23, 2026

Ciidanka Jubbaland oo gacanta horjooge sare oo ka tirsanaa Al-shabaab

Wararka laga helayo degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka Jubbaland ay saaka gacanta ku dhigeen nin lagu magacaabo Cali Macalin Cali Nuur, oo la sheegay inuu ka tirsanaa kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Ninkan oo lagu naaneysi jiray “Musamil” ayaa la tilmaamay inuu muddo ku dhow afar sano ka mid ahaa kooxda, isla markaana door ku lahaa howlahooda gudaha gobolka.

Howlgalka lagu qabtay eedeysanahan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay ciidamada Jubbaland ku xoojinayaan amniga deegaannada ay ka taliyaan, gaar ahaan la dagaallanka maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee Afmadow, Mahad Islaam, ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka lagu qabtay horjoogahan uu yimid kadib xog ay ka heleen shacabka deegaanka. Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in ciidamada ay sii xoojin doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab si loo sugo amniga gobolka.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay ciidamada Jubbaland ku doonayaan in ay ku wiiqaan awoodda Al-Shabaab, isla markaana lagu xaqiijiyo nabadgelyo waarta oo ka hanaqaadda deegaannada ay ka taliyaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

xubno ka tirsan AS oo gobolka Sh/hoose lagu dilay

Wasaaradda gaashaandhiga XFS ayaa sheegtay in howlgal ka dhacay...

Maamulka koonfur galbeed oo war ka soo saaray dagaal xalay ka dhacay magaalada Baydhabo

Maamulka koonfur galbeed ayaa sheegay in fariisimaha ciidamda ay...

Xisbiga JSP oo Liibaan Shuluq u xushay iney ka dhigaan madaxweynaha Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa go’aansatay in ay hoggaaka Galmudug u...

Wasiirka Howlaha Guud ee Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles