Wednesday, March 4, 2026

Guddoomiye Aadan Madoobe Muxuu ka yiri dilkii loo geystay taliyihii Guutada 14 October

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka tacsiyeeyay geerida Taliyihii Guutadda 14ka-October Gaashaanle Sare Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey) oo lagu dilay deegaan ku yaala inta u dhaxeysa Degmadda Afgooye iyo deegaanka Laanta-buuro ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Allaha ha u naxriistee taliyaha uu ahaa sarkaal firfircoon oo kaalin mug leh ku lahaa dagaalka dalka looga ciribtirayo Khawaariijta sidoo kalena uu ku suntanaa hogaamin firfircoon ayna ka go’neyd la dagaalanka Khawaariijta.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Allaha ha u naxriistee Taliyihii Guutadda 14-October Gaashaanle Sare Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey) alle SWT uga baryay inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo, dhamaan ehelkiisa, qaraabadiisa iyo sidoo kale qaranka Soomaaliyeed na uu samir iyo iimaan ka siiyo.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles