Madaxtooyada Soomaaliya oo war ka soo saartay shirkii u dhexeeyay MW Xasan Sheekh iyo kuwa dowlad goboleedyada

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyada Koofurgalbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, kaas oo horudhac u ah baaqii Madaxweynaha ee dadaallada lagu mideynayo shacabka Soomaaliyeed si loo laba-jibaarro hawlgallada lagu ciribtirayo cadawga Khawaarijta ah.

Kulanka ayaa lagu wadaagay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo hawlgallada hadda socda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay madaxweynayaasha dowlad-goballeedyada kaalinta hoggaamineed ee ay ka qaadanayaan abaabulka iyo isku-duwidda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Intii uu kulanku socday ayay madaxdu ka wadahadleen muhiimadda ay leedahay in loo diyaargaroobo gogosha qaran ee dhawaan uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, taas oo ujeedkeedu yahay in la abuuro jawi midnimo oo ku jiheysan la-dagaallanka Khawaarijta, maadaama ka-guul-gaarista dagaalkaas ay noqon doonto billowga guul qaran oo dalka iyo dadkuba ay ku diirsadaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xasuusan in guulaha waaweyn ee laga gaaray la-dagaallanka argagaxisada ay ku yimaadeen taageerada hagar-la’aanta ah ee ay shacabka Soomaaliyeed la garab-taaganyihiin geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, ayaa mudnaanta koowaad siinaya xoojinta midnimada ummadeed ee ku wajahan ka-miro-dhalinta halganka dalka looga xoreynayo cadawga arxanlaaweyaasha ah.

Iyadoo laga ambaqaadayo ujeeddadaas, Madaxweynaha Qaranka iyo Madaxda Dowlad-goboleedyadu waxa ay isku raaceen in lagu howlgalo niyadsami ay saldhig u tahay tixgelinta talada, tusaalaha iyo taageerada indheergaradka, aqoonyahanka, hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo guud ahaan bulshada. Tani waxay muhiim u tahay xaqiijinta hadafka qaran ee ku dhisan in cod iyo cududba loo mideeyo ciribtirka cadawga Khawaarijta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Ukraine oo difaacay weerarada ay ku hayaan warshadaha Ruushka  

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay inuu “kaliya difaacayo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey oo ka wado hawlaha qodista shidaalka dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Farmaajo“Hadalkii uu xalay jeediyey Xasan Sheekh waxay muujinayaa inuu rabo Dagaal Sokeeye”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si...

Masar oo fariin adag u dirtay Itoobiya

Masar oo si dadban fariin hanjabaada ugu direysa Itoobiya...

Xasan Sheekh”Cid gurigiisa lagu weerarayo ma jirto”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles