Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta u ambabaxay magaalada Algiers ee dalka Algeria, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Carabta.
Safarka guddoomiyaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay jirto xaalad siyaasadeed oo kacsan gudaha Golaha Shacabka, halkaas oo maalmahii lasoo dhaafay uu buuq, muran iyo gacan-qaad ka taagnaa kulamada baarlamaanka.
Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Carabta oo sanadle ah ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa arrimaha siyaasadeed, amni iyo bani’aadanimo ee ka jira dalalka Carabta, iyadoo si gaar ah looga doodi doono xaaladda Falastiin. Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa lagu wadaa inuu kulankaasi ka jeediyo khudbad ku saabsan mowqifka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira xasilloonida gobolka iyo taageerada shacabka reer Falastiin.
Wafdiga guddoomiyaha ayaa waxaa ka mid ah xildhibaanno, la-taliyeyaal sare iyo saraakiil ka tirsan Golaha Shacabka, kuwaas oo matalaya Soomaaliya shirkan muhiimka ah.