Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadlay safarkiisii loo diiday magaalada Baydhabo iyo xaaladda cakiran ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddoomiyaha ayaa si toos ah u weeraray Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), isagoo sheegay in waqtigiisii dhammaaday isla markaana aan la aqbali karin tallaabooyinka uu wado.
“Waqtiga Laftagareen waa dhammaaday, waxa uu wadana lama aqbali karo,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa ku eedeeyay Laftagareen inuu qorsheynayo inuu si gaar ah u xusho liiska xildhibaannada, kadibna uu ku dhawaaqo, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid horseedi karta qalalaase siyaasadeed.
“Laftagareen wuxuu rabaa inuu qorto liis xildhibaano ah kadibna ku dhawaaqo—ninka fidno ayuu ku tala galay, lamana aqbali karo,” ayuu mar kale yiri.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale si kulul uga hadlay sababta looga celiyay magaalada Baydhabo, isagoo uga digay Laftagareen inuu qabto doorasho uu ku tilmaamay “mid been abuur ah” oo uu isku dooranayo.
Hadalka Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa imaanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo saameyn ku yeeshay xaaladda amni iyo midda siyaasadeed ee gobolka.


