Tuesday, February 10, 2026

Gudiga Doorashooyinka Puntland oo soo bandhigay Natiijada doorashada laba Degmo

Guddiga doorashooyinka Maamulka Puntland ee PEC ayaa shaaciyay natiijada hordhaca ah ee doorashada degmooyinka Dangoroyo iyo Godobjiraan ee gobolka Nugaal.

Xisbiga Kaah ayaa xildhibaannada golaha degaanka degmada Dangoroyo ka helay 9 xubnood halka xisbiga ku soo xiga ee SINCAD uu helay 6 xubnood sida uu sheegay guddiga doorashada.

Sidoo kale  Xisbiga Horseed  wuxuu  helay 5 xildhibaan halka xisbiga Mideeye helay 3 xildhibaan waxaana ku xiga xisbiga RUNCAD oo helay 2 xubnood halka xisbiyada Shaqaalaha iyo Ifiye heleen min hal xubin.

Xisbiga Kaah ayaa dhinaca kale degmada Godobjiraan ka helay 7 xildhibaan halka xisbiga Horseed ka helay 6 xildhibaan waxa ku soo xiga xisbiga Mideeye oo haysta 5 xildhibaan halka SINCAD uu ka helay 2 xildhibaan Ifiyana hal xubin.

Sidoo kale Natiijadan  la shaaciyay ee labada degmo (Dangoroyo iyo Godobjiraan) ayaa muujinaya in uusan jirin xisbi helay aqlabiyad uu keligii ku dhiso gole degaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo kulan la qaatay Wasiiru-Dowlaha Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta Dowladda Jarmalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Xildhibaanada Muxaafadka ah oo maanta ka dooday wax ka badelka Dastuurka

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Cirro oo ka hadlay waxa ay ku badesheen aqoonsiga Israa’iil

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ‘Cirro’ oo la hadlayey...

Xasan Sheekh oo sheegay in wafdi ka socda Mareykanka ay imaan doonaan Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xaqiijiyay in dhawaan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles