Kulan Ammaanka Caasimadda looga hadlaya ayaa waxaa iskugu yimid Hay’adaha Amniga Heer Federaal iyo Maamulka Gobolka Banaadir kaas oo ka qabsoomay Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed .
Kulankaan ayaa waxaa shir gudoominayay Wasiirka Amniga Sareeye Guuto Cabdullahi Shiekh Cismaan Fartaag, waxaana Ku wehlinayay Taliyaha Ciiidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto. Sulub Axmed Firin,
Agaasimaha Hey’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullahi Maxamed Sanbalooshe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banadir Ahna Duqa Magaaladda Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale .
Inta badan kulanka intuu socday waxaa lagu dheeraaday xaalada Amniga ee Caasimadda iyo sidii loo sii xoojin lahaa.