Hay’adaha gargaarka ee Suudaan ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin tirada xaddidan ee dadka barakacayaasha ah ee reer Daarfuur ee ka cararaya magaalada El-Fasher. Magaaladu waxa ay u gacan gashay xooggaga gurmadka degdega ah ee RSF dhammaadkii todobaadka, iyada oo la soo sheegayo warbixino baahsan oo ku aadan dilal wadareed iyo dambiyo ka dhan ah aadanah.
Rubuc milyan qof ayay hooy u ahayd caasimada Waqooyiga Daarfuur, balse ilaa shan kun ayaa gaaray magaalada u dhow ee ammaan ah, Tawila, ilaa Khamiistii.
RSF ayaa sheegtay inay xirtay mid kamid h maleeshiyaadkeeda, Abu Lulu, kaasi oo lagu eedeeyay dilal degdeg ah, (waxayna sii daayeen muuqaallo muujinaya isaga oo xabsi ku jira.


