Tuesday, March 3, 2026

Hindiya oo ku biirtay dagaal-ganacsiyeedka Maraykanka iyo Ruushka

Xilli muddooyinkii u dambeeyay uu socday dagaal ganacsi oo ka dhashay cashuuraha dheeri ah ee uu dala badan ku soo rogay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa markan waxa soo baxaya hadallo ka soo yeedhaya dawaldda Hindiya oo ku tilmaantay hanjabaadda Trump ee ka dhanka ah Ruushka mid aan caqliga geli karin.

Hadalkan ayaa waxa uu daba socdaa markii dhawaan madaxweynaha Maraykanku uu ku gooddiyay dalkaasi in uu saari doono canshuuro dheeraad ah oo lagu soo rogayo saliidda ay ka soo iibsato Ruushka.

Qoraal uu soo dhigay Truth Social, madaxweynaha Mareykanka ayaa ka digay in uu kordhin doono canshuurahaasi, isaga oo sheegay in Hindiya “aanay dan ka lahayn inta qof ee uu Ruushku ku dilay Ukrayn oo muddo sannado ah ay dagaallo ka socdaan.

Hindiya ayaa hadda ka mid ah kuwa ugu badan ee iibsada saliidda Ruushka. Waxanay indhawaale ahayd suuq ganacsi oo ay Moscow u aragto ahmiyad weyn kaddib markii dhowr waddan oo Yurub ku yaalla ay gooyeen ganacsigii kala dhaxeeyay Ruushka wixii ka dambeeyay markii Ruushku bilaabay in duulaan buuxa uu ku qaado Ukrayn sannadkii 2022.

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles