Tuesday, March 3, 2026

Hirshabelle oo Muqdisho ka sagootisay Macawiisleyda ka soo kabtay dhaawacyadii ka soo gaaray dagaalka ay kula jireen Al-shabaab

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf-Dabageed) ayaa garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxa uu ku sagootiyey 50 ruux oo ka mid ah xaq-u-dirirka deegaanka (Macawiisleey) kuwaas oo kasoo kabtay dhaawacyadii kasoo gaaray dagaalka lagula jiro Khawaarijta, sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Maamulka Hirshabelle.

Qaar ka mid ah xubnaha macawiisleeyda ee maanta u safray magaalada Buulo-burte ayaa Dowladda Hirshabeelle uga mahadceliyey garab-istaaga iyo in dib ay ula midoobaan qoysaskooda oo muddo ay kala maqnaayeen.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa kula dardaarmay: “Runtii ma jirto geesinimo ka weyn dhaawiciina kaddib inaad markale ku laabaneysaan fagaaraha dagaalka ee aad ku ciqaabteen Khawaarijta. Tani waxay rejo u tahay shacabka Soomaaliyeed.”

Dowladda Hirshabeelle iyo shacabka xaq-u-dirirka ayaa waqti dheer waxay dagaal adag kula jiraan Khawaarijta kusoo duushay ummadda Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles