Mucaaradka iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo maanta kulan ku yeelanaya Muqdisho

Waxaa Maanta lagu wadaa inuu qabsoomo kulan muhiim ah oo u dhexeeya Safiirrada Beesha Caalamka iyo Siyaasiinta Golaha Samatabixinta ee uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, sida ay sheegayaan ilo wareedyo Muhiim ah.

Kulankan ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda cakiran ee siyaasadda Soomaaliya iyo ismariwaaga siyaasadeed ee u dhexeeya madaxtooyada Soomaaliya iyo musharaxiinta mucaaradka ah ee doonaya in isbedel la sameeyo.

Mucaaradka ayaa Beesha Caalamka la wadaagi doona in weli Madaxtooyada Soomaaliya aysan diyaar u aheyn in xal laga gaaro arrimaha khilaafka ka taagan sida Dastuurka, iyo Hanaanka Doorashooyinka.

Golaha Samatabixinta mucaaradka ayaa si cad u diiday in madaxtooyada Soomaaliya keligeed go’aan ka gaarto arrimaha doorashooyinka, Waxayna ku doodayaan in loo baahan yahay heshiis siyaasadeed oo ballaaran si loo xaqiijiyo in si nabdoon dalka ugu dhacdo doorasho heshiis lagu yahay.

Kulanka Maanta ay yeelanayaan dhinacyada ayaa waxaa laga filan karaa inuu horseedo in La helo isku soo dhowaansho siyaasadeed oo lagu dardar geliyo hannaanka doorashooyinka Ama khilaafka sii fido, taas oo wiiqi karta kalsoonida bulshada caalamka ee Madaxtooyada Soomaaliya iyo nidaamka hadda jira.

Waxaa sidoo kale suurtagal in dhinacyada la isku soo dhaweeyo, waxaana kulanka Mucaaradka kadib la filayaa in Xubnaha Beesha Caalamka ay kulamo la qaataan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh uu weli u socda wadahadalo lagu soo afjarayo khilaafka u dhexeeya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles