Mucaaradka iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo maanta kulan ku yeelanaya Muqdisho

Waxaa Maanta lagu wadaa inuu qabsoomo kulan muhiim ah oo u dhexeeya Safiirrada Beesha Caalamka iyo Siyaasiinta Golaha Samatabixinta ee uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, sida ay sheegayaan ilo wareedyo Muhiim ah.

Kulankan ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda cakiran ee siyaasadda Soomaaliya iyo ismariwaaga siyaasadeed ee u dhexeeya madaxtooyada Soomaaliya iyo musharaxiinta mucaaradka ah ee doonaya in isbedel la sameeyo.

Mucaaradka ayaa Beesha Caalamka la wadaagi doona in weli Madaxtooyada Soomaaliya aysan diyaar u aheyn in xal laga gaaro arrimaha khilaafka ka taagan sida Dastuurka, iyo Hanaanka Doorashooyinka.

Golaha Samatabixinta mucaaradka ayaa si cad u diiday in madaxtooyada Soomaaliya keligeed go’aan ka gaarto arrimaha doorashooyinka, Waxayna ku doodayaan in loo baahan yahay heshiis siyaasadeed oo ballaaran si loo xaqiijiyo in si nabdoon dalka ugu dhacdo doorasho heshiis lagu yahay.

Kulanka Maanta ay yeelanayaan dhinacyada ayaa waxaa laga filan karaa inuu horseedo in La helo isku soo dhowaansho siyaasadeed oo lagu dardar geliyo hannaanka doorashooyinka Ama khilaafka sii fido, taas oo wiiqi karta kalsoonida bulshada caalamka ee Madaxtooyada Soomaaliya iyo nidaamka hadda jira.

Waxaa sidoo kale suurtagal in dhinacyada la isku soo dhaweeyo, waxaana kulanka Mucaaradka kadib la filayaa in Xubnaha Beesha Caalamka ay kulamo la qaataan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh uu weli u socda wadahadalo lagu soo afjarayo khilaafka u dhexeeya.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles