Sunday, August 16, 2026

Liiska Xildhibaanada Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya oo la shaaciyay

Waxaa si rasmi loo shaaciyay Liiska xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, waxaana baarlamaanka cusub uu ka kooban yahay 83 xildhibaan.

Xildhibaanadan cusub ayaa laga soo kala doortay saddexda gobol ee maamulkaasi:

37 xubnood ayaa ka soo jeeda gobolka Sanaag.

30 xubnood ayaa matalaya deegaanada gobolka Sool

Iyo 16 xubnood oo Togdheer ah.

Inkasta oo cabashooyin iyo tabashooyin beeleed ay wali jiraan, haddana waxaa muuaqata in la guda geli doono marxaladda xigta oo ah doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha maalmaha soo socda.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in baarlamaanka cusub uu ka koobanyahay afar haween ah, kuwaas oo saddex ka mid ahi ka kala socdaan gobolka Sanaag.

Xildhibaanada ayaa lagu wadaa in maanta lagu dhaariyo magaalada Laascaanood, iyadoo isla markaasi kadib loo gudbi doono doorashada guddoonka golaha wakiillada.

Musharrixiin dhowr ah ayaa durba isku diyaarinaya tartanka guddoonka baarlamaanka, waxaana la filayaa in ololaha siyaasadeed uu si rasmi ah u bilaabmo saacadaha iyo maalmaha soo socda.

Geeddi-socodka dhismaha maamulka ayaa soo maray marxalado adag, iyadoo dhowr jeer ay hareeyeen doodo, muran iyo is jiid–jiid xooggan oo u dhexeeyay beelaha deegaanka, hase yeeshee ugu dambeyn xal laga gaaray khilaafaadkii jiray.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee cusub oo maanta ku guddoomiyay shirka Golaha Shacabka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga...

Xamsa oo taleefoon kula hadlay ardayda kaalmaha hore ka galay Imtixaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal...

DF oo shaacisay natiijada imtixaanka fasalka 12-aad

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Koox TikTok u adeegsanaysay iibinta khamriga oo lagu qabtay Gobolka Bari

Taliska Qeybta Booliska Gobolka Bari ee Puntland ayaa shaaciyay...

Uganda oo sheegtay in Ciidamadeedu sii Joogayaan Soomaaliya

Wasiirka Difaaca iyo Arrimaha Ciidamada Uganda, Kiryowa Kiwanuka, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles