Tuesday, December 16, 2025

Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka iyo Beesha Caalamka oo maanta Kulan ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliya ayaa maanta kulan la yeeshay wakiillada beesha caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulanka maanta oo daba socda shirkiii dhawaan ay Madasha ku qabatay magaalada Muqdisho, ayaa looga hadlay arrimaha la xiriira hab-raaca geedi-socodka doorashooyinka, muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan doorasho oo ay Soomaalidu u dhanyahay, heshiis lagu yahay, islamarkaana ku dhacda waqtigeeda si waafaqsan qodobada dastuuriga ah iyo heshiisyadii hore, sida ay horey u sheegeen Mucaaradka.

Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay baahida loo qabo in la helo jawi siyaasadeed oo deggan, lana xaqiijiyo kalsoonida shacabka, hay’adaha dowliga ah iyo daneeyeyaasha caalamiga ah ee taageera Soomaaliya.

Hoggaamiyeyaasha Madasha ayaa soo bandhigay talooyin iyo aragtiyo ku aaddan sidii loo dardargelin lahaa dib-u-heshiisiinta siyaasadeed, laguna dhisi lahaa hannaanka doorasho ee ku saleysan wadatashi, hufnaan iyo xorriyad.

Wakiillada beesha caalamka ayaa dhankooda muujiyay daneyn xooggan oo ay u qabaan horumarinta nidaamka dimuqraadiyadda Soomaaliya, waxayna bogaadiyeen doorka Madasha Samatabixinta ee ku aaddan kor u qaadidda wadahadalka iyo wacyigelinta bulshada.

Mucaaradka Soomaaliya ayaa ku adkeysanaya muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan doorasho oo xasillooni siyaasadeed horseeda, si dalka uu uga gudbo marxaladda kala-guurka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden oo soo gaaray Muqdisho

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...

Kulamo siyaasadeed oo dhexmaray Guudlaawe, Farmaajo iyo Sheekh Shariif

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe, ayaa xalay kulamo siyaasadeed...

DFS iyo Galmudug oo xabad joojin kala dhex dhigtay maleeshiyaad ku dagaalamay Galgaduud

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug ayaa  xabbad-joojin rasmi ah...

Wiil bajaajle ah oo xalay lagu dilay degmada Deyniile

Wiil dhalinyaro Aqoonyahan ah oo lagu magacaabi jiray Cabdi...

Mareykanka oo ka hadlay weerarka Australia

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa Isniintii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles