Madaxweyne Qoor Qoor oo u Jawaabay mucaaradka” Xisbi siyaasadeed furto, dadkiina Aamina”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug,Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa si adag ugu jawaabay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dhaliilaha u jeediya maamulka, isaga oo ugu baaqay in ay qaataan siyaasad mas’uuliyadi ku dheehan tahay oo horseedda hannaanka dimuqraadiyadeed.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa yiri “Haddii aad tabasho leedahay, xisbi siyaasadeed furto. Dadkiina u sheeg waxa aad qabateen. Tabasho joogto ah iyo ‘looma dhama’ waa wax dadka dib u dhigaya.”

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in aysan jiri doonin wax fursad ah oo lagu sii cuni karo cabashooyinka salka la’, gaar ahaan marka dalka uu u socdo doorasho qof iyo cod ah.

Wuxuu si cad u yiri”Waa la i boobay, kursi ayaa hebel loo xiray — waa hadallo dhamaaday. Waxaan u soconnaa doorasho qof iyo cod ah, waana waqtigii la gelin lahaa tartan furan oo hufan.”

Madaxweynaha ayaa ku adkeystay in siyaasadda Galmudug ay u socoto xagga horumar iyo xasillooni siyaasadeed, ayna tahay in dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug, ay ka gudbaan hadallo la xariira eedeymo hore iyo feker qabiil.

Qoor Qoor ayaa ku booriyay siyaasiyiinta mucaaradka in ay ku tartamaan waxqabad iyo barnaamijyo cad oo shacabka la horkeeno, halkii ay ku mashquuli lahaayeen eedeymo iyo dacaayad siyaasadeed.

“Waqtigu waa mid horay u socda. Bulshadu waxay u baahan tahay waxqabad, ma ahan muran iyo hadallo been ah,” ayuu raaciyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles