Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka oo war ka soo saaray duqeyn laga fuliyey Puntland

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa fulisay laba duqeyn oo cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday kooxaha Khawaarijta ah ee ISIS-Somalia, kuwaas oo halis weyn ku ah amniga gudaha Soomaaliya iyo danaha saaxiibada caalamiga ah.

Duqeyntii ugu horreysay waxay dhacday 31-kii May 2025, iyadoo lagu beegsaday bartilmaameed 75km koonfur kaga beegan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Duqeyntii labaad ayaa dhacday 1-da Juun 2025, meel 72km u jirta magaalada Boosaaso dhanka koonfureed.

“Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada wadajirka ah ee lagu wiiqayo awoodda ISIS-Somalia si looga hortago qorsheynta iyo fulinta weerarro argagixiso oo wax u dhimi kara shacabka Soomaaliyeed, ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada caalamka.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa intaasi lagu daray “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si gaar ah ugu mahadcelinaysaa Taliska AFRICOM, iyadoo mar kale adkeynaysa go’aankeeda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah. Dowladda waxay sidoo kale u mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah ee garab istaaga amniga iyo xasilloonida dalka.”

Dhankooda AFRICOM ayaa sheegtay in iyadoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii wada tallaabooyinka lagu wiiqayo awoodda ISIS-Somalia ee ku aaddan qorsheynta iyo fulinta weerarro khatar ku ah dhulka Mareykanka, ciidamada Mareykanka, iyo muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan dibadda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles