Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka oo shuruudo adag ku xiray gogosha uu fidiyey MW Xasan Sheekh

Madasha Samata-bixinta Mucaaradka oo ay ku mideysan yihiin musharaxiinta Madaxweynaha ee mucaaradka ah, ayaa si rasmi ah u soo dhoweysay gogosha siyaasadeed ee uu fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madashu waxa ay gogoshaas u aragtaa fursad muhiim u ah xasilinta iyo samata-bixinta dalka, balse waxa ay soo bandhigtay saddex shardi oo aas-aasi ah si wadahadalladaasi u noqdaan kuwo miro dhal ah:

  1. In la caddeeyo ajandaha iyo qodobada laga hadlayo, si loo helo hufnaan iyo is-aaminaad.
  2. In gogosha noqoto mid xal waara looga gaarayo khilaafka siyaasadeed ee taagan.
  3. In gogosha noqoto mid furan oo ay ka qeyb galaan dhammaan dhinacyada siyaasadeed, mucaarad iyo muxaafidba.

Madasha waxa ay mar kale adkeyneysaa go’aankeeda ah in ay u taagan tahay badbaadinta dalka, ilaalinta dowladnimada iyo horumarka Soomaaliya. Waxa ay sidoo kale diyaar u tahay in ay ka qeyb qaadato wadahadal dhab ah oo horseedi kara midnimo qaran, nabad, iyo dowladnimo ku dhisan hufnaan iyo wada-tashi.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles