Hoggaamiyihii Alshabaab ee Gobolada oo Duqeyn lagu qaarijiyay

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal gaar ah oo ay iska kaashadeen Saaxiibada Caalamka oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu diley Maxamed Mire Jaamac (Abuu Cabdirahmaan) oo ahaa horjoogihii Alshabaab u qaabilsanaa Gobollada.

“Horjooge Abuu Cabdirahmaan ayaa ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu sareeya Khawaarijta 15-kii sano ee ugu dambeysay, asagoo horjooge ka soo noqday qaybaha boobka iyo baadda shacabka iyo qaybta maleeshiyaadka, waxaana lagu xasuustaa inuu ahaa aas-aasihii Jabhadii Caanoole oo si qasab ah ugu biirtay Khawaarijta Al-Shabaab 2009-kii.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowlada federalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale qoraalka ka soo baxay dowlada soomaaliya lagu sheegay in muddo lagu raad joogay balse ugu dambeyntii la diley.

Si kasta ha ahaatee warka ka soo baxay dowlada ayaan lagu sheegin in lagu diley sarkaalkan ka tirsanaa Alshabaab weerar loo adeegsaday diyaarado iyo weliba cidd ka kaalisay howlgalka ay sheegtay in lagu qaarijiyay Abuu Cabdiraxmaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles