Sunday, December 28, 2025

Howlgal lagu dilay Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Maaliyada degmada Daynuunaay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 47aad Guutada 8aad ee Qaybta 60aad, ayaa fuliyey howlgal ballaaran oo dhowr waji leh oo ka dhacay degaanka Daynuunaay iyo tuulooyin hoos yimaada, oo ay ka mid yihiin Kor Ing Roogi, Dhambalka, iyo Buur Rooring.

Howlgalka ayaa si gaar ah loogu beegsaday tuulada Buul Dooro, halkaas oo lagu khaarajiyey Horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa dhanka maaliyadda ee gobolka, kaasoo magaciisa af-garasho lagu yaqaan Abuu Khaalid (Yaxye), iyo ku-xigeenkiisa, iyadoo sidoo kale la dilay qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Inta lagu guda jiray howlgalka, ciidanku waxay ku guuleysteen inay soo furtaan saanad ciidan oo ka kooban saddex qori AK-47 ah iyo booshashkoodii.

Taliyaha Guutada 8aad Qaybta 60aad, Cali Maxamed Aadan (Cali Cadoow), oo warbaahinta la hadlay kadib howlgalka, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey, isagoo amaanay ciidanka geesiyaasha ah ee si gaar ah u beegsaday horjoogayaasha sare ee Khawaarijta.

Taliyaha ayaa xusay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya degaannada hoos taga magaalada Baydhabo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Koofur Galbeed oo si adag u diiday Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Maamulka Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed ayaa warsaxaafadeed rasmi ah ka...

Wadamo iyo Ururo ka horyimid aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil

Dalal iyo ururro caalami ah ayaa si isku mid...

Rw hore ee Turkiga oo dalab culus u diray Masar, Turkiga iyo Sacuudiga

Sidoo kale wuxuu sheegay in sanadihii 2012-2013 ay dalal...

Aqoonsi Caalami ah sidaa uma fududa:-Calanka Towxiidka Ixtiraama, kuwa Yahuudda u Ordayoow

Waxaan maanta wajahaynaa isku day qaawan oo si toos...

Midowga Afrika oo soo dhaweeyay doorashooyinkii degmooyinka ee ka qabsoomay Muqdisho

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles