Hub iyo maandooriye kala duwan oo lagu qabtay Muqdisho

Ciidamada booliiska ee ka howlgala saldhigga degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, ayaa fuliyay howlgal ay kusoo qab qabteen hub sharcidarro ah, maandooriyaal nuucyo kala duwan leh iyo qaar kamid ah dadkii ka ganacsanayay.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada oo helay xogta goobahan lagu iibinayay maandooriyaha khamriga, calaqa, xashiish iyo kaniiniyaal ayaa weeraray, waxa ayna halkaasi kusoo qabteen maandooriyaashii lagu iibinayay iyo hubkii lagu ilaalinayay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo tagay xarunta saldhigga degmada Cabdicasiis ayaa ammaanay maamulka degmada iyo ciidamada ee fuliyay howlgalka lagu soo qab qabtay maandooriyaasha iyo sidoo kale hubka sharcidarada ah.

Madaale ayaana sheegay in degmooyinka gobolka Banaadir ay ka socdaan howlgallo lagula dagaallamayo maandooriyaasha, tuugada , ciyaal weerada iyo cid kasta oo falal amni darro abuureysa dhibaatana ku heysa bulshada Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Soomaalida Minnesota

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa weerar afka ah ku...

Sagal Cabdiweli oo Soomaali ah oo ku guuleysatay kursigii Keir Starmer

Sagal Cabdiweli oo ah gabar Soomaaliyeed oo ku nool...

Toogasho ka dhacday magaalada New York iyo warar dheeraad ah oo laga helayo

Sarkaal ka tirsan hay’adda Mareykanka u qaabilsan socdaalka iyo...

Xuutiyiinta oo weerar la beegsaday diyaarado fadhiyay garoonka diyaaradaha Riyaad

Laba qof oo goobjoogayaal ah ayaa wakaaladda wararka ee...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles