IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada Urur-goboleedka IGAD ayaa maanta oo 15-ka Sebtembar 2026 ka furmaya magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Shirka oo ah Kalfadhiga 74-aad ee aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada IGAD ayaa waxaa isugu imaanaya wasiirrada arrimaha dibadda iyo wakiillada dowladaha xubnaha ka ah ururka.

Waxaa diiradda lagu saarayaa xaaladda nabadda iyo amniga gobolka, horumarada ka socda gobolka iyo sidii dalalka xubnaha ka ah IGAD ay u xoojin lahaayeen iskaashiga iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu gaarayo nabad iyo xasillooni.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ka wada hadli doona arrimo la xiriira xoojinta iyo hirgelinta Heshiiska IGAD, iyadoo la eegayo mudnaanta iyo caqabadaha cusub ee gobolka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalaya Soomaaliya ayaa shirka uga qeybgaleysa wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisalaam Cabdi Cali.

Wasiirka ayaa Soomaaliya ku matalaya kulanka ay wasiirrada arrimaha dibadda ee gobolka kaga arrinsanayaan nabadda, amniga iyo iskaashiga Geeska Afrika.

Shirka ayaa la filayaa in gabagabadiisa laga soo saaro war-murtiyeed ka tarjumaya go’aannada iyo natiijooyinka laga gaaro kulanka.

WARARKII KALE

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

Israa’iil oo sheegtay in ay dishay taliye milatari oo Xamaas ka tirsanaa

Ciidamada Israel ayaa sheegay inay Isniintii Gaza ku dileen...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles