Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in kooxdiisa wada-xaajoodku ay weli diyaarinayaan soo-jeedintooda ka jawaabaysa tan Mareykanka ee ku saabsan barnaamijka nukliyeerka.
Cabbaas Caraqji ayaa u sheegay telefishan Mareykan ah inuu u badan tahay inuu maalinta Khamiista ah magaalada Geneva kula kulmi doono ergayga madaxweyne Donald Trump, Steve Witkoff.
Caraqji ayaa ayaa ku adkeysanaya in barnaamijka kobcinta nukliyeerka ee Iiraan uusan ahayn mid laga wada-xaajoon karo.
Donald Trump ayaa siiyay Tehran wax ka yar toddobaad si ay heshiis u gaarto, haddii kale ay wajihi doonto tallaabo milatari.
Dhanka kale, dibedbaxyo ayaa ka socda dalka Iran, kuwaas oo ka dhan ah dowladda.


