Wednesday, March 4, 2026

Iiraan oo sheegtay inay si buuxda gacanta ugu hayaan hawada Israa’iil

Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa ku dhawaaqay adeegsiga gantaallada Fatah, oo lagu tilmaamay gantaallada hypersonic, intii lagu jiray weerarradii gantaallada ee dhowaan ka dhacay Israa’iil.

Wakaalladda Wararka Iiraan ee Tasnim oo soo xiganeysa Ilaalada Kacaanka ayaa sheegtay in gantaallada Fatax ay ka dhigan yihiin “bilawga dhammaadka khuraafaadka difaaca hawada ee ciidamada Israa’iil”, sida ay ku tilmaantay, iyo in ay farriin u tahay “Isbahaysiga dagaalka u ololeeya ee Tel Aviv,” oo ay ula jeedaan Maraykanka.

Ilaalada Kacaanka ayaa sheegay in gantaalladaasi ay awood u yeesheen in ay gudaha u galaan difaaca cirka ee Israa’iil, iyagoo intaa ku daray in weerarkii ugu dambeeyay ee gantaallada “ay caddeeyeen in ilaalada kacaanku ay si buuxda u maamulayaan hawada Israa’iil” iyo in Israa’iiliyiintu ay hadda yihiin kuwo aan “difaac lahayn.”

Dhanka kale Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in Iiraan “aysan waligeed u tanaasuli doonin Sahnuuniyiinta”, qoraallo taxane ah oo uu soo dhigay barta X ayuu sidaa ku sheegay.

“Ma tusin doonno Sahyuuniyadda wax naxariis ah,” tarjumaadda qoraalka ayaa sidaa u dhigan.

Qoraal ka duwan, wuxuu ku leeyahay “dagaalku wuu bilaabmayaa”.

Qoraallada, guud ahaan akoonnada luqadaha kala duwan ee Khamenei, ayaa ka mid ah faallooyinkiisii ​​​​ugu horreeyay ee fagaare ah tan iyo markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Mareykanka uu garanayo meesha uu joogo laakiin uusan “ka soo saari doonin… ugu yaraan hadda”.

Horraantii toddobaadkan, waxaan soo sheegnay in Trump uu diiday qorshe Israa’iil ay ku dileyso Khamenei.

  • Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles