Saturday, May 23, 2026

Iiraan oo soo ridday diyaarad hawadeeda mareysay

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Hermes, xili ay mareysay hawada Texraan.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Mizan, ciidanku waxay adeegsadeen nidaamkoodii ugu dambeeyay ee difaaca cirka si ay u soo ridaan diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee siday hubka.

Waxaa jira dhowr nooc oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Hermes ah oo fuliya hawlgallo kala duwan, waxaana inta badan loogu talagalay inay ururiyaan xogta sirdoonka.

Nooca cusub ee diyaaradaha noocaas ah, oo lagu magacaabo Hemes 900 – oo dhererkeedu yahay siddeed mitir – ayaa socon kara ugu yaraan 36 mayl.

Iiraan ayaa sheegtay inay burburisay 132 diyaaradood oo aan duuliye lahayn tan iyo markii uu dagaalku billowday 28-kii bishii Febraayo ee sanadkan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

xubno ka tirsan AS oo gobolka Sh/hoose lagu dilay

Wasaaradda gaashaandhiga XFS ayaa sheegtay in howlgal ka dhacay...

Maamulka koonfur galbeed oo war ka soo saaray dagaal xalay ka dhacay magaalada Baydhabo

Maamulka koonfur galbeed ayaa sheegay in fariisimaha ciidamda ay...

Xisbiga JSP oo Liibaan Shuluq u xushay iney ka dhigaan madaxweynaha Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa go’aansatay in ay hoggaaka Galmudug u...

Wasiirka Howlaha Guud ee Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles