Ku xiigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Kazem Gharibabadi, ayaa ka jawaabay sheegashada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ahayd in si buuxda loo “nadiifiyey miinooyinka” ku jira Marin-biyoodka Hormuz.
Gharibabadi wuxuu yiri: “Haddii Mareykanku dhab ahaantii miinooyinka ka saaray, maxaa ilaa hadda markab uga gudbi waayay Marin-biyoodka Hormuz?”
Kazem Gharibabadi wuxuu ku tilmaamay sheegashooyinka Mareykanka “been cad oo ku dhisan dacaayad.” Wuxuuna digniin ka bixiyay in haddii maraakiibta Mareykanka ee miino-saarka ay soo galaan aagga, ay noqon doonaan bartilmaameedyo aad u fudud oo Iran ay weerari karto.
Hadalkiisa ayaa yimid xilli Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan uu booqday Tehran, iyadoo labada dal ee Khaliijku ay u muuqdaan inay ku dhow yihiin is-afgarad ku saabsan sameynta marin ay maraakiibta ganacsigu uga gudbi karaan Marin-biyoodka Hormuz.
Gharibabadi wuxuu sheegay in xitaa haddii heshiiska Tehran iyo Muscat uu si rasmi ah u dhammaado, taasi macnaheedu uusan ahayn in Marin-biyoodka Hormuz berri la furi doono.
Maxaa lagu soo gabagabeeyay heshiiska Cumaan?
Isagoo faahfaahin ka bixinayay heshiiska lala gaarayo Cumaan, wuxuu yiri: “Sida heshiiskan dhigayo, marinka laga soo galo Gacanka Faaris wuxuu mari doonaa biyaha Iran, halka marinka laga baxayo uu mari doono biyaha Cumaan, iyadoo maraakiibta labada jiho ay ka mari doonaan biyaha Iran.”
Sida ay werisay wakaaladda wararka Iran ee IRNA, Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Iran, Kazem Gharibabadi ayaa sheegay in marinka cusub uu noqon doono wax u eg “waddo laba-geesood ah”, oo ballaciisu guud ahaan noqon doono qiyaastii 7 mayl-badeed.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu carrabka ku adkeeyay in marinka ay Iran iyo Cumaan ku heshiiyeen uu yahay mid ku-meel-gaar ah, isla markaana labada dal ay 30 ilaa 60 maalmood gudahood wada-hadallo ka yeelan doonaan si ay u go’aamiyaan marin cusub oo joogto ah.


