Wednesday, October 29, 2025

Imaaraadka Carabta oo lagu dhaliilay taageeridda kooxaha hubeysan ee Soomaaliya iyo Suudaan

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay warbixin culus oo lagu eedeeyay Dowladda Imaaraadka Carabta (UAE) in ay jebisay xayiraadda hubka ee saaran dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Liibiya, kadib markii la ogaaday in qalab ciidan iyo gaadiid dagaal oo Imaaraadku iibsatay ay ku soo baxeen gudaha Soomaaliya.

Warbixinta, oo ay arkeen xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa muujisay in hub iyo gaadiid milatari oo lagu sameeyay UK oo markii hore loo iibiyay Imaaraadka, lagu arkay gacanta kooxo hubeysan oo ka howlgalaya Soomaaliya iyo Liibiya.

Sidoo kale, waxaa lagu sheegay in Imaaraadku qayb weyn ka yahay shabakado ganacsi oo si qarsoodi ah u kala gudbiya hubka, kuwaas oo marar badan lagu arkay gaadiidka dagaalka ee nooca Nimr Ajban — oo ay soo saartay shirkad Imaaraad ah — kuwaas oo la xaqiijiyay in lagu isticmaalay dalal ay ka jiraan dagaallo iyo cunaqabateyn hub.

Khabiirada Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid khatar ku ah xasilloonida Bariga Afrika iyo Saaxil, iyagoo xusay in ay sare u qaadayso halista hub sharci darro ah uu ku faafo gudaha Soomaaliya dal ay weli ka jirto amni darro iyo ganacsi hub oo aan la xakameyn.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in Imaaraadku uu sidoo kale hub British ah u gudbiyay kooxda RSF ee dagaalka kula jirta ciidanka dowladda Sudan, arrin keentay su’aalo cusub oo ku saabsan doorka Imaaraadka ee dagaallada gobolka.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si adag u beenisay eedeymaha, balse dalal reer galbeed ah ayaa hadda ku cadaadinaya in la joojiyo dhoofinta hubka iyo qalabka dagaal ee loo diro Imaaraadka, maadaama uu suuragal yahay in hubkaasi dib loogu adeegsado dagaallo ka socda dalalka ay cunaqabateyntu saaran tahay, sida Sudan iyo Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 10 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan sheikh oo lagu soo dhaweeyay dalka jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Pakistan oo ku hanjabtay inay burburin doonaan Daalibaanka

Wasiirka Difaaca Pakistan ayaa ku hanjabay inuu burburin doono...

Tirada dadka ku dhintay duqaymihii u dambeeyay ee Qaza oo kor u dhaafay 104

Dhimashada duqaymaha Israa’iil ayaa sii kordhaya iyada oo haatan...

Agaasimaha cusub ee waaxda warfaafinta iyo xirirka warbaahinta oo xilka kala wareegay agaasimaha hore

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf...

Shirkii Carta oo la xusayo 25 sano kadib, balse Soomaaliya weli khilaaf ku jirta

Waxaa magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ku sii qul...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles