Israa’iil oo Xamaas ku eedeysay inay jabisay heshiiskii xabad joojinta

Israa’iil ayaa duqeymo dhanka cirka ah ka geysatay Qaza, taasoo jawaab u ah waxa ay mas’uuliyiinta Israa’iil ku sheegeen xadgudubka heshiiskii xabbad joojinta ee uu Mareykanku garwadeen ka ahaa.

Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa Xamaas ku eedeeyay in ay Talaadadii weerar ku qaadeen Askarta Israa’iil ee ku sugan Qaza, ayna jabiyeen shuruudaha soo celinta maydadka la haystayaasha dhintay.

Kooxda hubaysan ee falastiiniyiinta ayaa sheegtay, in aysan wax xiriir ah la lahayn weerarka, waxayna ku adkaysteen in ay ka go’an tahay heshiiska xabad joojinta.

Ugu yaraan 33 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymo isdaba joog ah oo ay fulisay Israa’iil, sida ay sheegeen hay’adda difaaca rayidka ee Xamaas ee Gaza iyo saraakiisha isbitaalka.

Weerarada ayaa ku dhacay guryo, iskuulo iyo xaafado ku yaal magaalada Gaza, Beit Lahia, al-Bureij, Nuseirat iyo Khan Younis.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles