Imaaraadka Carabta oo lagu dhaliilay taageeridda kooxaha hubeysan ee Soomaaliya iyo Suudaan

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay warbixin culus oo lagu eedeeyay Dowladda Imaaraadka Carabta (UAE) in ay jebisay xayiraadda hubka ee saaran dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Liibiya, kadib markii la ogaaday in qalab ciidan iyo gaadiid dagaal oo Imaaraadku iibsatay ay ku soo baxeen gudaha Soomaaliya.

Warbixinta, oo ay arkeen xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa muujisay in hub iyo gaadiid milatari oo lagu sameeyay UK oo markii hore loo iibiyay Imaaraadka, lagu arkay gacanta kooxo hubeysan oo ka howlgalaya Soomaaliya iyo Liibiya.

Sidoo kale, waxaa lagu sheegay in Imaaraadku qayb weyn ka yahay shabakado ganacsi oo si qarsoodi ah u kala gudbiya hubka, kuwaas oo marar badan lagu arkay gaadiidka dagaalka ee nooca Nimr Ajban — oo ay soo saartay shirkad Imaaraad ah — kuwaas oo la xaqiijiyay in lagu isticmaalay dalal ay ka jiraan dagaallo iyo cunaqabateyn hub.

Khabiirada Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid khatar ku ah xasilloonida Bariga Afrika iyo Saaxil, iyagoo xusay in ay sare u qaadayso halista hub sharci darro ah uu ku faafo gudaha Soomaaliya dal ay weli ka jirto amni darro iyo ganacsi hub oo aan la xakameyn.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in Imaaraadku uu sidoo kale hub British ah u gudbiyay kooxda RSF ee dagaalka kula jirta ciidanka dowladda Sudan, arrin keentay su’aalo cusub oo ku saabsan doorka Imaaraadka ee dagaallada gobolka.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si adag u beenisay eedeymaha, balse dalal reer galbeed ah ayaa hadda ku cadaadinaya in la joojiyo dhoofinta hubka iyo qalabka dagaal ee loo diro Imaaraadka, maadaama uu suuragal yahay in hubkaasi dib loogu adeegsado dagaallo ka socda dalalka ay cunaqabateyntu saaran tahay, sida Sudan iyo Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles