Ingiriiska oo soo dhaweeyay gogosha ay DFS u fidisay Mucaaridka

Dowladda Ingiriiska ayaa waxaa ay taageertay  go’aankii dhawaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya, kaasi oo mucaaradka loogu baaqay in ay ka soo qeyb galaan kulan wadatashi oo looga hadlayo xaaladda dalka iyo sidii looga gudbi lahaa marxaladda hadda la taagan yahay.

Qoraal kooban oo ka soo baxay safaaradda Boqortooyada Ingiriiska laguna faafiyay barta X ayaa lagu yiri, “Boqortooyada Ingiriiska waxa ay soo dhaweenaysa ku dhawaaqista Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan qabsoomidda shir wadatashi qaran oo loo dhan yahay, kaas oo lagu qabanayo magaalada Muqdisho bisha Febraayo.”

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Safaaradda Ingiriiska ayaa lagu sheegay in Golaha Mustaqbalka ay ku mideysan yiniin hoggaamiyaasha Puntland, Jubbaland iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed lagu dhiirigalinaya ka qeyb galka shirkaan.

“Waxaan ku boorrinaynaa dhammaan dhinacyada inay gaaraan is-afgarad ku saabsan doorashooyinka, si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo barwaaqada Soomaaliya,” sida lagu sheegay warka ka soo baxay Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles