Iran oo gantaal ku dhufatay markab ciidamo Mareykan ah ay la socdeen

Warbaahinta NBC ee Maraykanka ayaa sheegtay in siddeed askari oo ka tirsan ciidamada Marines-ka Maraykanka ay ku dhaawacmeen gantaal Iran ay ku dhufatay markab ku sugnaa marin-biyoodka Hormuz 14-kii Sebtembar.

NBC oo soo xiganaysa saddex mas’uul oo Maraykan ah ayaa sheegtay in askartu ay la kulmeen qiiq iyo calaamado dhaawac maskaxeed ah, balse aanu midkood dhaawac culus soo gaarin, dhammaantoodna ay shaqada ku laabteen.

Markabka la weeraray ma ahayn markab dagaal oo Maraykan ah, waxaana la sheegay in toddobada askari ay ahaayeen ciidan caadi ah, halka midkood uu sarkaal ahaa.

Magacyada siddeeddan askari ayaa lagu daray diiwaanka dhaawacyada Wasaaradda Difaaca Maraykanka ku dhowaad 10 maalmood kadib weerarka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo Tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan kumaandooska Danab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga...

DF oo sheegtay in ay gacanta si buuxda ugu hayso Baydhabo

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaalkii ka...

Fiqi muxuu ka yiri dagaalka Baydhabo?

Dowladda federaalka Soomaaliya oo ka hadashay dagaalka Baydhabo, ayaa...

KGS oo ka hadashay dagaalka Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa sheegay in saaka magaalada...

Dagaal qaraar oo ka socda Baydhabo

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo, ayaa sheegay in halkaasi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles